HomeWarkiiMid ka mida Wadooyinkii dhagaxdu ku xirnaayeen Muqdisho oo la furey

Mid ka mida Wadooyinkii dhagaxdu ku xirnaayeen Muqdisho oo la furey

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen furisa wadooyinka Muqdisho ee mudada ay dhagxaantu ku xirnaayeen si loo fuliyo balan-qaad uu hore u sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Mid ka mida wadooyinka lagu bilaabay furitaanka oo ah mida taribuunka ilaa isbitaal digfeer ayaa xalay la arkayay gaadiidka oo isticmaalaya markii laga qaaday dhagxaan ku go’neyd.

Gaadiidleyda iyo mootoolayaasha ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin mar xalay warbaahinta qaar wax ka weydiiyeen furista wadada iyo sida ay ugu qanacsan yihiin fulinta balanqaadkii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungab.

Dhalinyarada ka mida kuwa gaadiidka ayaana muujiyay sida ay ugu farxeen qaadista dhagxanta iyo furista wadooyinkii xirnaa xili xalay la bilaabay in wadadkii ugu horeysay in la maro.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -