NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Banaanbixii Nairobi ka dhacay talaadadiii la soo dhaafay waxaa si gaar ah hantidoodii ugu waayay ganacsato Soomaali ah markii la jabsaday tukaamadoodii oo gabi ahaanba la bililiqeystay.
Tv-g caanka ah ee laga leeyahay Dalka Kenya Citizen aya wareystay labada nin ee ganacsatada kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin Cali Ciise iyo Maxamuud Maxamad.
Maxamuud wuxuu sheegay in arin la yaab leh ay ku dhacday taasoo ah in isaga aysan dhicin shacabkii careysnaa balse nasiib daro isaga ay hantidiisii dhaceen ciidamada Booliiska ee la rabay inay difaacaan islamarkaana sugan amniga shacabka iyo hantidooda.
Cali Ciise ayaa isna si la yaab leh loo dhacay markii nin u ymid 10 maalin ka hor goobtiisa ganacsi oo ku taal bartamaha Nairobi ,ninkaasi ayaa ka dalbaday kum-buyuutaro uu iibinayay inuu si raqiis ah uga iibiyo hadii kale uu si bilaash ah uga qaadan doono maalinta banaanbaxa oo waqtiyada ay dhacayaan la sii ogaa,cali Ciise wuu diiday inuu hantidsiisa qiima jabanuu iibiyo.
Talaadad doraad ahayd isu soo baxyadii dhacay sidii ayay noqotay oo kaamirooyinka waxay cadeyeen in tukaanka Cali Ciise si gaar ah loo bartilmaameedsaday iyadoo aan waxba lagu reebin xili kuwa deriskiisa aan la taaban.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM




