Qaar kamid ah wax garad ka soo Jeeda Galmudug ee Dagta Itoobiya oo lagu xirey Shilaabo Sawiro

0

Qaar kamid ah odayaasha Habar gidir ah ee Soomaalida Itoobiya oo lagu xirey Shilaabo

Odayaal kasoo jeeda beesha Habar Gidir ee Hawiye, ayaa lagu xirey degmada Shilaabo gobolka Qoraxey ee is maamulka Soomaalida Itoobiya jimcihii lasoo dhaafey, kadib markey halkaasi u tageen waan waan.


Waxaa xirey odayaasha hoggaanka nabad gelyada ee heer Kilil, gaar ahaan ninka la yiraahdo Gurey, iyadoo meel aan wanaagsaneyn oo caafimaadka u daran ku xabisay odayaasha.

Hoggaan Gureey ayaa horay sifo sharci daro ah waxa uu ku duugey barkado dad xoolo dhaqato ah ay leeyihiin, ka gadaal waxaa ka dhashay isku dhac labo beelood oo walaalo ah.

Intaas kadib waxaa lala shiray hoggaan Gurey wuxuu odoyaasha u diray duug iyo karfan, halkii qof 50,000 Birr, markii odoyaashi waxey geeyeen lacagtii oo dhan, kadibna waa la xirey odayaashii ergada ahaa. In la xiro ergo waa wax ka baxsan sharciga iyo dhaqanka suuban.
Waxaa amarka guud ee xiritaanka odayaasha iska leh madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomalaida Itoobiya Mustafe Cagjar, isagoo haatan qabiilada qaar kula kacaya wixii uu isagu ka caban jirey.
Odayaasha Habar Gidir oo qeybta ka ah Soomaalida Itoobiya, ayaa muddo gaareysa labo sano ka codsanayey Madaxweyne Cagjar iney wada kulmaan, inkastoo uu diidey qaabiloodda.

Lama yaqaan Madaxweyne Cagjar cadaawadda gaarka ah ee uu u qabo reerkan, waxaase cad inuu yahay qof aanan hanan Karin hoggaanka dowaldda ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Odayaasha la xirey waxey kala yihiin:
1- Suldaan Muuse Xaashi Canshuur
2- Nabadoon Ibraahim Jaamac Cali “Qaareey”
3- Nabadoon Cabdi Shire
4- Caaqil Khaliif Sh Muxumed Cabdulraxmaan “Baale”
Lama yaqaan sababta loo xirey odayaasha, iyagoo si joogta falal guracan oo dil, dhac iyo xarig kula kaca beelaha Habar Gidir iyo Hawiyaha kale ee qeybta ka ah Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa loo adeeg sadaa in lagu wax yeeleeyo qabiilo gaar ah, iyadoo qabiilka Ogaadeenka uu dulmi joogta ah uu ku hayo qabiilada kale.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidanka Liyuu Booliisku xasuuq ka geysteen deegaanka Raaso, oo ah deegaan ay leeyihiin beesha Shiikhaal ee Hawiye.

Waxaan ka digeynaa haddaan la joojinin dhibaatada joogtada lagu hayo beesha Habar Gidir ee Hawiye ee Itoobiya, in wixii ka yimaada ay dusha u ridan doonaan ciidanka Liyuu booliiska, oo laga marin habaabiyey shaqadii loo igmaday, iyo madaxweyne Mustafe Cagjar.
Waxaan baaq nabadeed u direynaa dowladda federaalka Itoobiya gaar ahaan ra’iisal wasaare Dr. Abiye Axmed, inuu ku sameeyo fara galin tacadiyada qaraha balaaran ee ka socda is maamulka Soomaalida Itoobiya.

Xigasho

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here