GAROWE (DAYNIIILE.COM)-War maanta ka soo baxay Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland lagu shaaciyay in hal maalin oo lagu daray qabashada araajida shakhsiyaadka raadinaya Baarlamanka.

Guddoomiyaha guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland Isxaaq Axmed Xasan ayaa maalinta uu ku daray tahay maanta oo talaado ah taasoo la micno ah in beri wixii ka bilowda aan la qabanyen codsiyada dadka doonaya baarlamaanka inay xubno ka noqdaan.

Advertisement

Gudoomiyha wuxuu carabka ku dhuftay in ujeedka maanta loogu daray ay ahayd madaama ay jiraan xubno ka imaan lahaa Bari iyo Mudug oo aan la soo gudbin.

Dhanka kale Guddoomiye  Isxaaq Axmed Xasan ayaa uga digay shacabka Puntland inay ka digoonaadaan warar uu sheegay inay beeb abuur yihiin oo laga fidiyo doorashada.

“waxaan ka digeynaa wararka been abuurka ah, shacabkeena puntland iyagana waxaan leenahay ku kalsoonaadan shaqada guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada”ayuu yiri Gudoomiyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Turkiga oo war cusub ka soo saartay arinta Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleXOG: maxaad kala socotaa Talaabooyin ay qaadeen Ciidamada NISA kadib qaraxii xalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here