Baladweyne (dayniiile.com)-Maayarka Magaalada Baladweyne Haweeneyda lagu magacaabo Nadar Tabaax Maalin ayaa cadeysay inay noqdeen Soomaaliya halkii ugu horeeyay ee abid laga hirgeliyo qalabka casriga ah ee bixiya Digniinaha Fatahaadaha wabiyada.

10-kii Bishaan Oktobar ayaay ahayd markii laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan qalabka bixiya digniinaha fatahaadaha Wabiyada.

Advertisement

Deegaanka Damalow oo 5Km u jira Baladweyne ayaa lagu xirey qalabkaani casriga ah taasoo faa’iido badan u leh dadka reer Baladweyne oo mar kasta dad badan kaga dhiman jireen  marka uu wabigu fataho.

Maayarka Magaalada Baladweyne ayaa sharaxday  qalabkaasi mar ay u warameysay VOA-da  iyadoo xustay inuu sheegi doono qalabkaani taranka biyaha , islamarkaana mar kasta wixii soo kordha laga ogaanayo.

“qalabkaan wuxuu sheegi doonaa xiliyada roobabka,haduu fatahaad sameyn rabo iyo taranka biyaha, helida qalabkaan waxaa iska kaashaday wasaaradaha tamarta  biyaha ee faderalka iyo maamul goboleedka hirshabelle”ayay tiri Nadar Tabaax Maalin maayarka Baladweyne

“waxaa ku jira qalabka Sim Card, waxaa lagu xiri doonaa  taleefoonada maamulka qeyb ka mida ah,amniga qeyb ka mida ,Madaxda u sareysa state-kaan iyo maayarka,15-kii daqiiqaba waxay heli doonaan taleefanadu digniino hadba marka fatahaad ay jiri karto”ayay tiri Nadar Tabaax Maalin.

Dhanka kale isku duwaha Wasaarada biyaha iyo tamarta Dowlad goboleedka Hirshabelle Cawil Maxamed Jabriil ayaa isna u sheegay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ah  in qalabkaani wax badan tari doono.

“maayarka ayaan ku wareejinay qalabkaan mana jirto mar nooga baahi badneyd,waxaan u soo joogay iyadoo wabiga aan bir dheer surno si aan ugala socono korarka biyaha ”ayuu yiri Cawil Jabriil.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxaa looga hadlay shirkii Somalia iyo Midowga Yurub+Sawirro
Next articleMadaxa Atmis oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here