Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qasa ayaa sii socda wali inkastoo ay sii xoogeysaneyso rajada laga qabo xabad joojin.

Labada dhinac ayaa muddo 11 maalmood ah isweydaarsanaya duqeymo iyo gantaallo khasaare ka geystay dhan walba, inkastoo ay badan yihiin dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarrada lala beegsaday Qasa.

Marka isbarbar dhig guud la sameeyo Israa’iil iyo Xamaas waxay heystaan hub iyo awood militari oo aan isu qalmin.
Senator-ka Mareykanka ee lagu magacaabo, Bernie Sanders, ayaa isu diyaarinaya in uu Aqalka Sare hor keeno Hindise Sharciyeed Israa’iil ka hor istaagaya Hub ay Mareykanka uga soo iibsan rabtay lacag dhan $735m (£520m), kaas oo xukuumadda Tel Aviv ay dooneysay inay kuwii xoojiso cududdeeda.

Awoodda militari ee Israa’iil

Qiimeyntii dalalka ugu awoodda badan caalamka uu sanadkan 2021-ka sameeyay wargeyska ka faallooda awoodda ciidamada caalamka ee Global Fire Power, waxay Israa’iil ka gashay kaalinta 20-aad,. Diiwaankan wuxuu ka kooban yahay 140 waddan.

Tirada guud ee Shacabka Israa’iil wuxuu Wargeysku ku qiyaasay 3,643,700 oo qof, kuwaasoo 3,024,271 ka mid ah ay diyaar u noqon karaan haddii looga baahdo adeegga militariga. Waxaa kale oo xusid mudan in sharciga Israa’iil uu dadka Yuhuudda ah khasab uga dhigayo in ay soo maraan ciidannimada.

Tirada ciidamada Israa’iil

Militariga Israa’iil guud ahaan wuxuu ka kooban yahay 643,000 oo askari.
170,000 oo ka mid ah waa ciidan shaqeeya hadda.
465,000 waa ciidan keyd ah oo xareysan.
8,000 waa booliska sida militariga u tababaran.
Awoodda cirka
Tirada guud ee diyaaradaha militariga Israa’iil waa 595 diyaaradood.
241 waa diyaaradaha dagaalka.
23 waa diyaarado ay shaqadooda ku kooban tahay inay weerarro fuliyaan.
15 diyaaradood waxay qaadaan saanadda.
154 diyaaradood waxaa lagu fuliyaa tababarrada.
23 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah.

128 ka mid ah waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “helicopter”.
48 ka mid ah waxay u qoondeysan yihiin fulinta weerarrada.

11 waa diyaaradaha waaweyn ee kuwa kale jiida.
Awoodda dhulka
Militariga Israaliil waxay haystaan:
1,650 taangi.
7,500 oo gawaarida gaashaaman ah.
650 madaafiicda iskood isu rida ah.
300 oo madaafiicda goobta ah
Iyo 100 fadhi oo qalabka gantaallada lagu tuuro ah.

Dhinaca badda, Israa’iil waxay heysataa 65 markab oo isugu jira kuwa waaweyn ee diyaaradaha qaada, kuwa biyaha hoostooda quusa iyo kuwa kormeerka xeebaha sameeya.

Miisaaniyadda ku baxda gaashaandhigga Israa’iil waa lacag gaareysa $16,600,000,000 oo doolar.

Awoodda iyo hubka Xamaas

Ma jiro liis Falastiin ay ku jirto oo qiyaasaya awoodda militari ee falastiiniyiinta laakiin cududda la dagaallameysa Israa’iil waa ururka Xamaas oo fariisinkiisa ugu weyn uu yahay Marinka Qasa.

Xamaas iyo Islamic Jihad – inkastoo ay yihiin kuwo ka awood yar Israa’iil – haddana waxay heystaan hub ku filan inay ku weeraraan Israa’iil. Durbaba waxay isku dayeen isticmaalka xeelado kala duwan.

Qalabka difaaca Israa’iil wuxuu dhulka soo dhigay drone – ay suuragal tahay inay hubeysneyd – taasoo isku dayeysay in ay Qasa uga tallowdo dhinaca Israa’iil.

Laakiin hubka kaas aad uga awoodda badan ugana saameynta badan ee ay Falastiiniyiintu heystaan waa madaafiicda goobaha dagaalka loo adeegsado oo noocyo kala duwan leh. Waxaa kuwaas laga tuuri karaa dhulka iyadoo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ciidamada ee isla dhulka.

Qaar ka mid ah gantaalladaas iyo kuwo kale (oo lagu riday qalabka lidka taangiyada oo la adeegsaday maalmihii lasoo dhaafay), ayaa la aaminsan yahay in Falastiiniyiinta loo gudbiyay iyadoo loo sii marinayo dhuumo dhulka hoostiisa ah oo ku hoos yaalla gacanka Siinaay ee dalka Masar.

Hase yeeshee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa gudaha Qasa ku sameysta hubka iyagoo ku farsameeya warshado la qariyay oo ku yaalla meelo ka mid ah Marinka Qasa laftiisa.

Khubaro reer Israa’iil ah iyo kuwo caalami aha waxay rumeysan yihiin in seynisyahanno u dhashay Iiraan ay gacan weyn ka geystaan dhismaha warshadahaas lagu sameeyo hubka.

Suuragal ma aha in la qiyaaso tirada qantaallada u keydsan ururka Xamaas.

Waxaase hubaal ah in ay heystaan hub faro badan oo tiiradoodu ay meelo kala duwan gaareyso. Sida cad, militariga Israa’iil waxay heystaan qiyaastooda u gaarka ah oo aysan dooneynin inay warbaahinta la wadaagaan. Afhayeennadoodu waxay sheegaan oo kaliya in Xamaas ay dagaalka noocan ah iyo tuurista gantaallada sii wadi karaan “Waqti dheer”.

Gantaallada ay Falastiiniyiintu tuuraan ilaa hadda kama muuqato inay yihiin kuwo cusub marka la eego sida ay u naqshadeysan yihiin. Balse qiimeynta guud ee lagu sameeyo waxay qeexeysaa inay kordhiyeen awooddooda iyo qaraxyada ay sababi karaan.

Walow magacyada iyo naqshdaha gantaallada qaar ay jahwareer keeni karaan, Xamaas waxay soo hindistay gantaallo badan oo kuwa riddada gaaban ah sida midka loo yaqaanno Qassam (oo gaari kara ilaa 10km oo u dhiganta 6 meyl) iyo mid la yiraahdo Quds 101 (oo tiiradiisu ay gaareyso ilaa 16km); kuwaasoo lagu sii xoojiyo qalabka Grad (oo gaarsiinaya ilaa 55km); iyo Seji 55 (oo gaarsiinaya ilaa 55km).

Qalabkan waxaa la aaminsan yahay in ay iyagu soo hindiseen islamarkaana u adeegsadaan inay ku fogeeyaan gantaallada riddada gaaban leh oo lagu sii kordhinayo dab dheeri ah.

Laakiin Xamaas waxay sidoo kale adeegsataa gantaallo nooca riddada dheer ah, sida M-75 (oo gaari kara ilaa 75km); Fajr (oo gaaraya ilaa 100km); R-160 (oo gaaraya ilaa 120km); iyo xoogaa M-320s ah oo gaaraya masaafe dhan 200km.

Sidaas darteed way caddahay in Xamaas ay heysato hub lagu garaaci karo magaalooyinka Qudus iyo Tel Aviv labadaba, iyo in ay halis galin karaan guud ahaan marinta xeebta oo ay daggan yihiin tirada ugu badan ee shacabka reer Israa’iil ayna ku yaallaan kaabeyaasha ugu muhiimsan.

BBC
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here