HomeWarkiiQaliin Dunida ka yaabiyay oo dalka Turkey lagu sameeyay hooyo 92 jir...

Qaliin Dunida ka yaabiyay oo dalka Turkey lagu sameeyay hooyo 92 jir ah

Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga ayaa lagu sameeyay qalliin cajiib ah oo dhakhaatiirta iyo bulshada labaduba la yaabeen, kadib markii haweeney 92 jir ah oo lagu magacaabo Oreserife lagu arkay xaalad caafimaad oo culus.

Haweeneydan ayaa la keenay isbitaalka iyadoo la il daran calool xanuun iyo matag joogto ah.

Baaritaanka CT Scan ee lagu sameeyay ayaa muujiyay in caloosheeda iyo mindhicirkeeda ay ka buuxaan walxo kala duwan oo ay ku jiraan lafaha saytuunka iyo timirta.

Dhakhaatiirtu waxay go’aansadeen in qalliin degdeg ah lagu sameeyo, kaas oo socday ku dhawaad laba saacadood. Intii lagu jiray qalliinka waxaa caloosheeda laga soo saaray:

  • 35 lafo saytuun ah
  • 28 lafo timir ah
  • 5 dhagax iyo dhagax weyn oo cabirkiisu yahay 4 cm.

Dhakhaatiirta ayaa sheegey in tani tahay kiis aan hore loo diiwaan gelin, maadaama ay suurtagal tahay in haweeneydu walxahan si tartiib tartiib ah u liqday muddo sanado ah.

Kadib qalliinka, haweeneyda waxaa lagu daweeyay qeybta daryeelka degdega ah muddo maalmo ah, ka hor inta aan loo fasixin inay gurigeeda aaddo.

Dhakhaatiirta ayaa bulshada uga digay inaysan liqin lafaha saytuunka iyo timirta, maadaama ay khatar caafimaad halis ah keeni karaan — gaar ahaan dadka waayeelka ah.

The Indiatimes

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -