Ergadii ugu horreysay ee xaqiiqo raadinta Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa Warbixinteeda kusoo gabagabeysay in xadgudubyada noqon kara dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha laga geysto dalka oo dhan.

Warbixinta ayaa ku eedeysay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaada liibiya – oo ay ku jiraan waddamada dibadda iyo dagaalyahannada shisheeye inay geystan xadgudubyo.

 

Warbixinta ayaa faahfaahinaysa sida skoolada, cisbitaallada iyo guryaha loo weeraray iyadoo kooxo hubaysan oo kala duwan ay u dagaallamayaan gacan ku haynta Libya. Warbixinta ayaa sidookale sharaxaysa sida qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka iyaguna ay dhibana ugu yihiin tacadiyo iyo jirdil maalin walba loogu geysto xabiyada qarsoon ee liibiya.

BBC

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here