Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka codsaday Soomaaliya “taageero ballaaran oo caalami ah” inta uu ku guda jiro booqashadiisa dalka ku yaalla Bariga Afrika oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo tobanaan sano ah.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso dhibaatooyin bini’aadantinimo isla markaana ay la dagaalanto qatarta argagixisada.
Guterres ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u sheegay wariyeyaasha in uu “halkan u joogo in aan ka dhawaajiyo baahida loo qabo taageero caalami ah, sababtoo ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka uu wajahayo.”
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa loo sameeyay rooga cas oo dhameystiran oo ay ku jireen ilaalo sharaf, waxaana garoonka diyaaradaha ee weyn ee caalamiga ah ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Waxa uu Maxamuud uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, waxaana uu sheegay in uu rajaynayo Afur — afurka Soonka Ramadaanka — gelinka dambe ee Talaadada.
Inta badan Muqdisho ayaa loo xiray booqashada Guterres, iyadoo la xaddiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha.
Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Guterres booqashadiisa taariikhiga ah isagoo ku guda jira la tacaalidda caqabadaha bani’aadanimo iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“Booqashadani waxay noo xaqiijinaysaa in QM ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorshayaashayada ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in shacabka Soomaaliyeed ay uga gudbi karaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha weli haysta, iyadoo loo marayo dhameystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta,” ayuu yiri Maxamuud.
Khubarada haqab-beelka cuntada ayaa sheegay in noloshu ay weli tahay “mid aad u daran” in ka badan 6 milyan oo qof oo gaajaysan oo ku sugan abaarta taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Dalku waxa uu sidoo kale wajahayaa amni darro isagoo dagaal kula jira kumannaan dagaalyahan oo ka tirsan al-Qaacidada Bariga Afrika ee xiriirka la leh Al-Shabaab



