Warbixinta Soomaaliya iyo Wadatashiyada
Isniinta 22-ka Febraayo:

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay uga hadli doonaan xaaladda Soomaaliya shir furan oo fiidiyoow ah (VTC).
Shirka ayaa loo qorsheeyay inuu kagaqaybgalo Ergeyga Gaarka ah, ahna madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madeira iyo Agaasimaha Midowga Yurub ee Afrika Rita Laranjinha, dhamaantood waxaa la filayaa in ay warbixin diibaan.
Xubnaha Golaha ayaa soo saari kara qodobo saxaafadeed gabagabada kulanka.

Kulankan ayaa u muuqda mid diirada lagu saari doono doorashooyinka dib u dhaca ku yimid ee Soomaaliya iyo tillaabooyinka la qaadayo si loo ilaaliyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo xaalada amaan iyadoo la fiirinayo xaalada siyaasadeed ee haatan taagan.
Ku guuldareysiga in la doorto madaxweyne waqtigii horay loogu qorsheeyay ee ahayd 8-da Febraayo ayaa hadda soo dadajisay qalalaase dastuuri ah oo ay kadhasheen rabshado.
Swan ayay u badan tahay inuu Golaha warbixin ka siiyo waxa ku soo kordhay xaalada degdega ah ee siyaasada iyo amaanka tan iyo markii ugu dambeysay ee uu warbixin siiyay xubnaha Golaha 9kii Febraayo. Intii lagu gudajiray kulankaas oo ay codsatay Boqortooyada Midowday UK.
Swan ayaa sida muuqata ka warbixin doona khilaafka udhaxeeya Dowlada Federaalka iyo hogaamiyaasha labada maamul ee xubnaha ka ah federaalka, Puntland. iyo jubaland, kaasoo ku saabsan heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee doorashooyinka.
Wuxuu sidoo kale Swan Golaha uga warami doonaa is hortaagii xukuumada ay ku samaysay dibadbaxyada lagudiidanaa iska joogida kursiga farmaajo maadaama uu waqtigiis dhamaaday.

Banaanbaxyadaas waxaa soo qaban qaabiyay sheegayna in lagu dili gaaray Golaha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha — oo ka kooban 14 hoggaamiyeyaal siyaasadeed.

Hadaba Golaha Amaanka ayaa lafilayaa inay soo saaraan warbixin adag oo ku socota hogaamiyayaasha siyaasada dalka, waxaana lafilayaa inay sigaar ah ucambaareeyaan falkii ay xukuumadu kula dhaqantay mudaaharaadayaashii sida nabad gelyada ah dareenkooda umuujinayay taasoo dastuurka dalka uu u ogolaanayay.

Dhamaan xubnaha beesha caalamka ee ku sugan muqdisho oo aan wali soo saarin war faah faahsan oo kusaabsan mashaqadii dhacday jimcihii oo aan ka ahayn in xaalada ladajiyo lana joojiyo gacan ka hadalka, waxay umuuqataa iyagana inay sugayaan warbixintan 22 bishan Feb.

Waxaa sidoo kale iyana warbixintan sugaya madaxda maamul goboleedyada qaar, kuwaasoo umuuqda inay iska dhaga tireen baaqii shirka ugudanbeeyay ee uu soo saaray madaxweynaha xilkiisu dhamaaday M.Farmaajo kadib markii ay arkeen habdhaqanka loo maareeyay Banaanbaxyadii Jimcaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here