NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dilka shaqaalaha gargaarka ay tahay  natiijo lama huraan ah e qaabka dagaalkan hadda loo wado sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay in weerarkaasi ahaa mid aan laga fiirsan

Advertisement

“duqeymihii bahalnimada ahaa ee ay Israa’iil ku dishay shaqaalaha gar gaarka  waa mid aan laga fiirsan” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Tiradaan 7 shaqaale ee Israa’iil ku dishay Gaza saacadihii ugu danbeeyay waxay tirada guud ahaan shaqaalihii Falastiin hore loogu dilay ka dhigeysaa 196 ruux.

Xisaabtaan shaqaalaha hay’adaha samafalka ee lagu dilay Falastiin  175 xubnood oo ka mida waa shaqaalaha Qaramada Midoobay kaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleIsraa’iil oo xasuuqday shaqaale gar-gaar oo dalal kala duwan u dhashay
Next articleMid ka mida Beelaha Galmudug oo dhar ciid u iibisay caruur ay dhaleen ciidamo ku geeriyooday dagaalka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here