Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in Qaramada midoobe soo jeedisay in arinta  khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ay galaan IGAD iyo Midowga Afriika.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Meles Alem oo u muuqda inay taladaasi ku qanacsan yihiin ayaa xusay inay IGAD ka dalbadeen shir la isugu yeero Dalalka Gobolka kaasoo looga hadlaayo heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay la yeesheen Maamulka Somaliland.

Advertisement

Qaramada Midoobe oo hada ku talineysa in arinta Itoobiya iyo Somalia lagu xaliyo wada-xood ay gar wadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo IGAD.

Shirkii dhawaan ay qabatay Qaramada midoobe islamarkaana ay Dowladeena Soomaaliya dalbatay inkastoo aaney QM faahfaahin hadana markaas waxaa lagu garsiiyay Somalia balse hada Itoojiya ayaa ku celisay warqad Qaramada Midoobe hadafkooda.

Sida Afhayeenkaan u hadlay Itoojiya warkiisa ku cad Itoobiya waxay qaramada Midoobe ka dhaadhiciyeen inay qaab dilomaasiyaded wax ku raadinayaan sidoo kale Nabad ay wax ku raadinayaan.

Madaama Qaramada Midoobe warkeeda cusub uu ka muuqdo inay run u qaateen warka Itoojiya waxaa looga fadhiyaa Dowladeena Soomaaliya inay si degan oo diblomaasiyadeed ula fal galaan ciyaarta ay Itoobiya dheeleyso.

Si kastaba Dowlada Somalia kama hadlin warkaan ka soo baxay Qaramada Midoobe, Sidoo kale IGAD iyaguna kama jawaabin codsiga gusub ee Itoobiya.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxaa ka soo baxay shirkii Wasiir Fiqi iyo Gudiga arimaha gudaha Barlamaanka+Sawirro
Next articleMaxaa kulanka Baarlamaanka isha loogu wada hayaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here