NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Hay’adda Qaramada Midoobey qeybta ugu qaabilsan quwadda Nugliyeerka ayaa si rasmi ah uga hadashay qorshaha Dowlada Itoojiya soo bandhigtay ee ah barnaamijka Nugliyeerka ee dhanka Nabada ama tamarta rayidka ah.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay taaagereyso qorshaha iyo damaca Itoobiya ee barnaamijyada nugliyeerka tamarta laga dhaliyo Dumida.
Agaasimaha Hay’adda IAEA Mr. Rafael Grossi ayaa warbaahinta u cadeeyay inay Itoobiya ku garab siinayaan qorshaheeda.
Taageerada Qaramada Midoobe ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku dhawaaqay inay sameysajayaan Nutukleerka si ay dalkooda u hormariyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
