Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wararka sheegayo in xasuuq uu ka dhacay gobolka Tigray haddii la xaqiijiyo ay noqon karaan dambiyo dagaal oo la geystay.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii ha’yadda xuquuqul insaanka ee Amnesty ay sheegtay in tiro dad ah lagu laayay magaalo ku taalla Tigray.

Michelle Bachelet oo ka hadleysay magaalada Geneva waxay ku baaqday in baaritaano lagu sameeyo dhacdada isla markaana caddaallada la horkeeno dadka lagu helo inay ka dambeeyeen dilalka ka dhacay Tigray.

Waxay intaas ku dartay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in la joojiyo dagaalka.

Mas’uuliyiinta Tigray waxay beeniyeen in ciidamadooda dad rayid ah ay halkaas ku laayeen halka goob joogayaal ay sheegeen in ciidamada Tigray ay dilalka geysteen.

Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadak.

Kumanaan qof ayaa ka qaxay Tigray kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here