MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu ka dhacay qarax miino oo lala egtay gaari dagaal oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Somalia.

Wararka horu dhaca ah ee laga helaayo qaraxaan ayaa sheegaya in miinada lagu qarxiyay gaariga xili uu marayay isbaarada shabelle halka loo yaqaan oo ah afaafka hore ee deegaanka ceelasha biyaha waana soohdinta xadka Afgooye iyo Xamar.

Advertisement

Sida Alshabaab sheegteen qaraxa waxaa ku geeriyooday 3 askari oo saarnaa gaariga cabdi-bilaha ah ee ciidanku wateen halka afar kalana ay ku dhaawaceen,sidoo kale waxay sheegteen inay gubeen gaari dagaal.

Ciidamada  Dowlada oo durba howlgalo sameeyay ayaa qabtay nin ay ku tuhmeen inuu alshabaab yahay isla markaana uu ahaa shaqsigii miinada hagayay islamarkaana    qarxiyay gaariga dagaal ee  ciidamadu ku geeriyoodeen.

Dowlada Somalia wali kama hadlin qaraxaani iyo sheegashada kooxda Alshabaab ee ah inay qaraxa ku dileen  3 askari.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Previous articleMasuul kale oo reer Somalland oo ku geeriyooday Garowe
Next articleKu dhac iyo Hab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here