HomeWarkiiQarax ay ku dhinteen Sarkaal iyo laba asakri oo Puntland ka tirsanaa ...

Qarax ay ku dhinteen Sarkaal iyo laba asakri oo Puntland ka tirsanaa  oo ka dhacay buuraha Cal-miskaad

CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Daacish ayaa la soo sheegayaa inay maanta qarax miino la beegsadeen ciidamo ka tiran daraawiishta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qaraxa oo ay ku dhinteen sarkaal iyo 2 askari oo Daraawiishta Puntland ka tirsanaa ayaa ka dhacay furimaha dagaalka Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari kadib markii lala helay baabuur ambalaas ah oo ay ciidamadaani saarnaayeen.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawac dhowr kale oo askarta ka mid ahaa waxaana uu ka dhacay deegaanka Markadaan oo ka mid ah meelihii hore looga saaray kooxda Daacish.

Maaha markii ugu horeysay oo kooxda xag-jirka daacish ay qaraxyo ka fuliyaan buuraha Cal-miskaad hore ayay sidan oo kale qaraxyo dhowr ah u sameeyeen walow mudooyinkaan danbe ay aad u yaraadeen qaraxyadaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -