Wararka laga helayo Ismaamulka Lamu ee xadka Soomaaliya iyo Kernya ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagu eegtay Ciidamada Milatariga Kenyya,
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa qaraxaan fuliyay waxaana ka hadlay khasaaraha ka dhashay mid ka mida madaxda degeen xeebeedka Lamu.
Masuulka u hadlay Lamu ayaa sheegay in qaraxani sababay dhaawacyo askarta soo gaaray laakiin asyan jirin wax dhimasho.
“shacabka waxaan ka codsaneynaa inay soo sheegaan kooxaha Alshabaab ee ku dhex dhuumaleysanaya dadka rayidka ah”ayuu yiri masuulkaasi u hadlay ismamulka dhul xeebeedka Lamu oo dhaca xad beenaadka Soomaliya iyo Kenya
Sidoo kale wuxuu sheegay masuulkaasi in dagaalamayaasha Alshabaab ay ku dhuuntaan dhulka howdka ah marka ay dhibaato gaystaan kadib.
“waxaa socda howlgalo looga hor tagayo dhaq dhaqaaqyada kooxda Alshabaab sidaas daraadeed shacabkuna waa inay la shaqeeyaan hay’adaha Amaanka”ayuu yiri masuulkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE,COM