HomeWarkiiQarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay deegaan ku dhaw Degmada Ceeldheer

Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay deegaan ku dhaw Degmada Ceeldheer

May be an image of fire and carCEELDHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Ceel-dheer ee bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay deegaanka Sarta-magan oo Maagalada ku dhaw kaasoo lala eegtay gaari ay ku safrayeen dad shacab ahaa.

Sida Wararku tilmaamayaan qaraxaan waxaa ku dhintay  8 ruux oo uu ku jiro darawalkii gaariga kaxeynayay,waxaana la tuhunsan yahay in Alshabaab ay ka danbeeyaan qaraxaasi xasuuqa sababay.

Sidoo kale dadkii ku dhaawacmay isla qaraxaani islamaraana gaariga wax ka saarnaa ayaa iyagana loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Gaariga masiibada ay qabsatay wuxuu ku sii jeeday Magaalada Ceel-dheer balse isagoo ku dhaw ayaa qaraxa lala helay rabi ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of campsite and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -