AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Qarax xoogan oo ah nuuca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa maanta lala eegtay ciidamao ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee magaca AUSSOM ku howlgala gaar ahaan kuwa Dalka Uganda.
Qaraxa oo ka dhacay duleedka Magaalada Afgooye ayaa sababay dhimahada 1 askari oo Ugaandhees ah iyo dhaawaca tira kale.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamadu rasaas badan dhinacyada u firdhiyeen iyadoo aaney u jeedin cid ay xabadeynayaan balse cabsi ku keentay shacabka.
Kooxda Alshabaab ayaa ka hadashay qaraxa waxayna sheegeen inay iyagu ka dambeeyan islamarkaana ku dileen sarkaal miina baare ah oo ka tirsan ciidamada Dalka Uganda sidoo kalana ay ku dhaawaceen laba kale.
Taliska Midowga Afrika iyo Wasaarada Gaashaandhiga Somalia midkoodna kama hadlin qaraxaan lagu weeraray ciidamada Uganda iyo sheegashada kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM