HomeWarkiiQarax dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo saaka ka dhacay Muqdisho

Qarax dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo saaka ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Qarax miino ayaa saaka ka dhacay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Suuqa xoolaha,waxaana lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Nisa.

Qaraxa ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qof shacab ahaa iyo ciidamadii qaraxa lagu weeraray.

Sida wararka qaar sheegayaan qof shacab ahaa oo wadada marayay ayaa ku dhintay qaraxa halka laba askarina ay dhaawacyo daran ka soo gaareen kuwaasoo goobaha caafimaadka loola cararay.
Muqdisho oo ka nasatay qaraxyada ayaa hada moodaa in xaafadaha geesaha u xiga ay qaraxyadu si goos goor ah uga dhacayan walow laamaha amnigu aad ugu fara adeygeen amniga Caasimada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -