Mahadaay (dayniiile.com)- Wadada u dhexeysa Magaalada Mahadaay iyo deegaanka Buurane waxaa maanta miino loogu aasay masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Ciidamo ilaalo u ahaa.
Qaraxa ayaana dhacay markii gaadiidka ay la socdeen masuuliyiinta Hirshabelle uu ag maraayay halka miinada loogu aasay oo ahayd inta u dehxeysa Buurane iyo Mahadaay.
Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye 2 ruux ayaa ku dhimatay kuwaasoo ahaa dad shacaba halka sidoo kale ay dhaawacmeen afar ruux kale .
Dadka dhaawacyada qabay waxaa loo qaaday dhanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle si halkaasi loogu dabiibo.
Wadada qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid muhiim ah isku socodka gaadiidka wadada u dhexeysa Jowhar iyo Mahadaay kuwaasoo dhamaantood dhul beeraad ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM