HomeWarkiiQarax dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu halkaasi ka dhacay kaasoo sababay dhimasho.

Qaraxaan ayaa lala eegtay gaari nuucada raaxada ah oo ay saarnaayeen laba Odey kuwaasoo la xaqiijiyay inay labaduba ku dhinteen ma jirto dhibaato kale qaraxu geystay, labada odey ee qaraxa ku dhintay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Kadawe iyo Maxamed Cumar.

Xaafada Jabad-geelle ayuu qaraxu ku haleelay gaariga lamana oga in hore loogu sii diyaariya ama in dhulka loo geliyay intaba.

Labada Odey waxaa la sheegay inay ka shaqeynayeen arimaha cabirka dhulalka oo ay dhanka maamulka koofur-galbeed ugu qaabilsanaa , hada marka qaraxa uu haleelayayna ay ku howlnaaayeen dhul cabirka.

Muqdisho iyo meelaha ku dhaw dhaw waa ay ka nasteen qaraxyada oo amniga sanadkii ugu danbeeyay ciidamadu si aad ah ayay u adkeeyeen taas badalkeeda waxaa gobolada ka jiray dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -