GURI-CEEL (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Gakl-gaduud ayaa sheegaya in tuulo ku dhaw magaaladaasi uu ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay 2 ruux ayaa ku dhintay qaraxaan oo Bam gacmeed lagu sheegay kaasoo ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Afcagaag kaasoo u jira Magaalada Guri-ceel 33 KM.
Dadka dhintay oo ahaa dhalinyaro aad u da’yar ayaa la soo sheegayaa inay walxaha qarxa keeneen meel maqaaxi ah islamarkaana fagaare ahaa kadibna iyagoo ku ciyaaraya ama ku falaadaya ayay ku qaraxday.
Sidoo kale dhowr qof oo ku dhaawacmay ayaa iyagana la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud kuwaasoo waliba dhibka gaaray la soo sheegayo inuu culus yahay balse dhaqaatiirtu la tacaalayaan sidii ay ku dabiibi lahayeen.
Reer miyiga ayaa inba badan wajaha qaraxyo iyagoon aqoon u lahayn hadana dhibaato badan u geysta, walxahaan qarxa ayaa isuu jira kuwo ka yimid Dowladii Kacaanka ahayd ee dhacday 33 sano ka hor jirtay iyo sidoo kale kuwa ka danbeeyay intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
