HomeWarkiiQarax goo dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax goo dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka ka dhacay Qarax aad u xoogan oo laga maqlay qaar ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho kaasoo ahaa qarax miino.
Sida aan xogta ku helnay qaraxa wuxuu ka dhacay halka ay iska galaan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ah nawaaxiga Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.
Ma jirto qasaare ah oo ilaa hada la soo wariyay balse wararka qaar ayaa shegaya in qaraxaasi oo ahaa miino wadada la sii geliyay uusan geysan wax khasaare ah,balse masuuliyiinmta Hay’adaha amaanka Dowlada ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan qaraxaasi,haduu dhib geystay,cida ka danbeysay iyo goobta uu ka dhacay intaba.
Qaraxaan ayaa dhacaya xili Muqdisho ay ku naalooneyso in ka badan 3 sano amni iyo kala danbeyn Dowladeed oo aaney Magaaladu helin tan iyo Dowladii kacaanka ahayd ee burburtay 1991-kii ,walow inta badan qaraxyadu saameeyaan duleedyada Magaalada Muqdisho halka gudaha ay noqdeen kuwa teel teel ah oo aaney ahayn sidii ay ahaan jireen.
XAFIISJA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -