Qarax goor dhawayd ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale, sida ay Caasimada Online u sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban qaraxa kadib ka sameeyey halkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here