MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegaya inuu goor dhaw oo saaka ah uu ka dhacay qarax weyn kaasoo ahaa mid uu ka dambeeyay qof naftii halige ahaa.
Qaraxaan waxaa loo adeegsaday  gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ,waxaana lala eegtay goob ay ka dhawaayeen ciidmada macawisleyda iyo dad rayid ah.
Wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba eh balse aan wali laga helin faahfaahin rasmi ah.
Ciidamada amaanka ee Degmadaasi ayaa durba bilabay inay u gurmadaan dadka dhibaatadu soo gaartay ,waxayna sidoo kale wadaan howlgalo ay u baadi goobayaan alshabaabkii ka dambeeyay qaraxaasi.
wixii war ah ee ku soo kordha wararkeena xiga ayaad kala socon doontaan insha allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
