Waxaa goordhaw qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Koontaroolka laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee yaala Isgooska Sayidka .

Gaariga qaraxa laga soo buuxiyay oo nuuciisa lagu sheegay NOAH ayaa xoog kusoo dhaafay Koontarool yaala isgooska Dabka, waxaana gaariga oo ciidamada eryanayaan ku qarxay koontaroolka Sayidka yaala gaar ahaan meel ku dhaw kaalinta Hass Gaas.

Sida aan wararka ku helnay gaariga ayaa isku dhax qarxiyay gaadiid kale oo saf ugu jiray in ay ka gudbaan koontaroolka Madaxtooyada laga ilaaliyo, waxaana halkaasi ku sugnaa dad kala duwan oo u badnaa shaqaale dowladeed.

Waxaa lasoo warinayaa in qaraxan khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana khasaaraha xoogiisa gaaray dadkii la socday gaadiidkii goobta taagnaa ee doonayay in koontaroolka ka gudbaan.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa booliiska ayaana xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada gurmad u fidiyeen qaar kamid ah dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay, waxa ayna saraakiisha booliisma sheegeen in khasaaraha warbaahinta loo soo bandhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here