HomeWarkiiQarax iyo dab ka kacay Dalka Mexico oo dad badan ay...

Qarax iyo dab ka kacay Dalka Mexico oo dad badan ay ku dhinteen

Mexico: Supermarket Explosion Kills 23

Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay dukaan ganacsi oo ku yaalla dalka Mexico, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

11 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay dukaanka Waldo ee bartamaha Hermosillo ee gobolka Sonora Sabtidii.

“Nasiib darrose, tiro ka mid ah dhibanayaasha aan helnay waxay ahaayeen carruur aan qaan-gaarin,” ayuu yiri  guddoomiyaha gobolka Alfonso Durazo oo intaa ku sii daray Gudoomiyuhu in dadka badbaaday lagu daweynayo isbitaallada Hermosillo.

Maamulka amniga dadwaynaha ee deegaanka ayaa meesha ka saareen dhacdadaani inay tahay weerar la soo qorsheeyay oo dad ay ka danbeeyeen.

“Waxaan amar ku bixiyay baaritaan ballaaran oo hufan si loo go’aamiyo sababaha dhacdada iyo in la ogaado kuwa mas’uulka ka ah,” ayuu yiri Gudoomiye Durazo.

“Qofna ma wajihi doono xanuunkan keligiis. Laga soo bilaabo daqiiqadihii ugu horreeyay, xaaladaha degdegga ah, amniga iyo adeegyada caafimaadka waxay ku jawaabeen xirfad weyn iyo dadaal, xakameynta xaaladda iyo badbaadinta nolosha,” ayuumar kale  yiri guddoomiyaha.

Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa barta X waxay ku soo qortay fariinteeda tacsida dadka ku dhintay qaraxa sababay inuu dabka ka kaco  super market-ka.

“Waxaan la xiriiray guddoomiyaha Sonora, Alfonso Durazo, si aan u bixiyo taageero halka loo baahdo. Waxaan faray xoghayaha arrimaha gudaha Rosa Icela Rodriguez inay u soo dirto koox taageero si ay u caawiyaan qoysaska iyo kuwa dhaawacmay,” ayay tiri haweeneyda madaxweynaha ka ah Mexico

Sawirro laga soo qaaday warbaahinta gudaha ayaa muujinayay afaafka hore ee dukaanka weyn ee suuqaasi oo uu dabku ka kacay, iyadoo daaqadaha ay damiyeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

Supermarket explosion kills at least 23 in Mexico - Insider PaperSupermarket explosion kills at least 23 in Mexico - World - DAWN.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -