Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kaasoo geystay khasaare kala duwan

Advertisement

Sida wararku nagu soo gaarayaan Qaraxan ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa ka dhacay wadada Via Liberia, gaar ahaan meel ku dhow isgoyska Shaqaalaha ee wadada Maka Al-Mukarama

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo ahaa kuwa raaxada ayaa qarxay xili uu wadada socday, dab xoogan ayaa ka kacay kaasoo sababay inuu gubto sida dad goob joogayaal ay sheegayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka watay gaarigaas oo illaa aan hadda la aqoonsan uu ku dhex gubtay dabka qabsaday gaarigiisa kuna geeriyooday, waxaana qaraxa ka dib kala cararay dadkii ku dhowaa goobtaas.

Booliska DF iyo Gaadiidka dab demiska maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta wax yar ka dib qaraxaas, iyagoo demiyey gaariga qaraxa ku gubtay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Previous articleGuddoonka BFS oo xarunta Villa Hargeysa kulan ku yeeshay
Next articleCabsi dagaal oo ka jirta Garoowe iyo Qaxii ugu badnaa oo caawa halkaa ka jira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here