Barqanimadii maanta ayaa Qarax khasaare geystay waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada lagu aasay ayaa la soo sheegayaa inuu haleelay gaari ay la socdeen ciidamada dowlada oo ka yimid degaanka Mareerey, kuna soo jeeday Afgooye.

Ugu yaraan labo askari ayaa la sheegay iney ku dhinteen qaraxan, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana jira warar dhimashada intaas ka badinaya.

Ciidamada ayaa rasaas fara badan furay qaraxa ka dib, taasoo argagax gelisay shacab iskugu jiray beeraley iyo qaar wadada marayey, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaasta.

Waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka baxay degmada Afgooye, kuwaasoo wada baaritaano kala duwan iyo miino baaris, welina ma jiro war ku saabsan qaracan oo ka soo baxay maamulka degmada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here