Xildhibaanno katirsan Hir-Shabeelle oo xalay ku dhaawacmay qarax Miino oo lagula eegtay gudaha magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Xildhibaanada xili ay kasoo laabteen munaasaabad lagu xusayay sanad guurada 5-aad ee aasaaska Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.

Labada Xildhibaan ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu kala magacaabaa Maxmed Cabdi Cali & Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, iyadoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here