HomeWarkiiQarax ka dhacay Maxmakad Pakistan ku taal oo dad badani ku dhinteen

Qarax ka dhacay Maxmakad Pakistan ku taal oo dad badani ku dhinteen

islamabadISLAMABAD (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay 27 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay bannaanka dhismaha maxkamad ku taalla caasimadda Pakistan ee Islamabad.

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray afaafka hore ee xarunta garsoorka degmada oo ku taal magaalada, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Madaxweyne Asif Ali Zardari iyo Wasiirka Difaaca Khawaja M Asif ayaa ku tilmaamay weerarkan “weerar ismiidaamin ah”.

Sida uu sheegay TV-ga Pakistan, dadka dhintay waxay u badan yihiin dad jidka marayey ama kuwa u yimid dhageysiga maxkamadda.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -