Home Warkii Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badanaa way ku dhaawacmeen ka dib markii qarax uu goor dhow ka dhacay Isgoyska Fagax.

Dadka degaanka ay dayniila u sheegeen qaraxa uu ahaa mid uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa halka qaar kalena ay sheegeen in uu ahaa Miino.

Qaraxa goobta uu ka dhacay ayaa ah Maqaayad ay inta badan fadhiisteen dhalinyaro, kuwaasoo cayaaraya dublada.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay ayna faahfaahin ka bixin doonaan waxa sababay iyo Khasaaraha rasmiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here