Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo wararka horu dhaca a ay sheegayaan inuu gaystay khasaare nafeed.

Qaraxaan wuxuu ka dhacay meel ku dhaw isgoyska sayidka ee nawaaxiga xarunta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada,waxaana fuliyay nin naftii hure ah kaasoo isku qarxiyay goob maqaaxi ahayd.

Advertisement

Maqaayada uu isku qarxiyay ninkaan waxaa la sheegay inay tahay mid ku dhaw maqaayadii Baar-Bulsho waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inay tahay goob lagu qayilo.

Gaadiidka gurmadka ayaa la arkayaa iyagoo ku noq noqanaya goobta qaraxu ka dhacay halkaasi bur bur weyn uu soo gaaray taasoo muujineysa baaxada qaraxa.

dhanka kale Xooggga Alshabaab ayaa durba sheegtay inay qaraxaasi iyagu ka danbeeyaan,halka dhanka Dowlada aysan wali ka hadlin qaraxaani iyo waxyeelada uu geystay.

Wixii soo kordha wararkeena xiga ayaan idinku soo gudbineyna insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

Previous articleSaraakiil Atmis ka tirsan oo loo xiray Tababar ku aadan Isgaarsiinta
Next articleAf-hayeenka Booliiska oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qaraxii Galabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here