Wararka ka imanaya dhulka Soomaalida ee gumeystuhu xooga ku siiyay Kenya ee loo yaqaan Waqooyi bari-kenya ayaa sheegaya in halkasi qarax lagula eegtay ciidamada Dowlada Kenya xili ay wateen gaadiid.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Unbis ee duleedka Is-maamulka Garisa waxaana la soo sheegayaa in mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Kenya uu haleelay qarax miino oo Alshbaabku wadada u sii galeyeen.
Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa 5 askari oo Kenyan kuwaasoo qaraxa kadib la kulmay weerar toos ah oo ay soo qaadeen alshabaab hubeysnaa inkastoo ciidamo kale oo gurmad ah Kenyaanku heleen sidaasna lagu bad-baadiyay ciidamadii dhaawacyada qabay ee Alshabaabku go’doomiyeen.
Alshabaab dhankooda waxay ka hadleen qaraxa waxayna sheegteen in qaraxa ay ciidamada Kenyaanka ku gaarsiiyeen dhimasho iyo dhaawac walow aaney jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.
Kooxda Alshabaab ayaa inta badan waxay qaraxyo ku weeraraan ciidamada Kenya marka ay magaalooyinka ka soo baxaan oo marayaan banaanada u dhaw xad beeneedka labada Dal ee Somalia iyo Kenya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM,
