HomeWarkiiQarax Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Degmada Dayniile

Qarax Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Degmada Dayniile

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qarax miino oo ah nuuca dhulka la geliyo ayaa saaka ka dhacay mid ka mida xaafadaha degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo geystay khasaare nafeed ayaa lala eegtay gaari ay wateen ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya oo qaar sheegayaan inay dhimasho jirto halka warar kalana sheegayaan in dhaawacyo dhowr ay soo gaareen ciidamada.

Wararku waxay tilmaamayaan 5 askari ay ku dhaawacmeen  halka mid ka mida askartii saarnaana uu dhintay walow aysan saraakiisha Dowladu si faahfaahsan uga hadlin dhacdadaani.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay askari magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Nuur (Arooraay).

Qaraxaan ayaa imaanaya xili ay aad u yaraadeen qaraxyadii ka dhici jirey Magaalada Muqdisho,dhanka kale saraakiisha hay’adaha amaanka Degmada Dayniile wali kama hadlin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -