MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Moscow ee Xarunta Dalka Ruushka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lagu dilay mid ka mida jaralaalada Dowlada Ruushka sida ay cadeysay Dowlada uu ka tirsan yahay.
Lt Gen Fanil Sarvarov waxaa qaraxa lagu dilay saaka oo isniin ah kadib markii si gaar ah gaarigiisa loogu xirey walxaha qarxa waliba qeybta hoose.
Warar ku saabsab baaritaanada cida ka daneysa qaraxa ayaa durba war ka soo baxay guddiga dambi baarista ee Ruushka waxaa lagu shaaciyay in weerarkaani ay ka danbeeyaan waaxda sirdoonka Dowlada Ukraine walow iyagu wali ka hadlin dhacdadaani.
Sidoo kale Guddiga dambi baarista ee Ruushka waxay shaaciyeen in Janaraalka la dilay Gen Fanil Sarvarov uu ahaa madaxa waaxda tababarka hawlgelinta ciidamada qalabka sida.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

