Qarax lagu Hoobtay oo ka dhacay deegaan u dhow Balcad

0

Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe weerar miino ah ayaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 6 askari ayaa lagu dilay, 4 kalana waa lagu dhaawacay ka dib markii qarax miino loo dhigay gaari ciidan oo ay la socdeen, duleedka galbeed ee degmada Balcad oo 30km dhunaca waqooyi ka xogta Muqdisho.

Warar xog ogaal ayaa xaqiijiyay in gaariga qaraxa loo dhigay uu ka tagay Balcad kuna socday degaanka Daniga oo dhawaan ay ciidamada dowladda saldhig ka dhigteen.

Laba askari oo ka mid ah ciidankii gaariga saarnaa ayaa qaraxa ka badbaaday, iyadoo afarta askari ee dhaawaca loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dhabiibo, sida ay ilaha xog ogaalka ah noo sheegeen.

Sidoo kale galinkii hore ee maanta laba qof oo shacab ah oo saarnaa mooto ayaa iyagana lagu dilay degaanka Basra oo u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye

Weli cid sheegatay ma jirto weerarka, hase yeeshee weerarrada ka dhacay degaankaas waxaa inta badan gaysta ururka Al-Shabaab, sida ay aaminsan yihiin mas’uuliyiinta amniga ee Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here