HomeWarkiiQarax lala beegsaday dad u dabaal degayay sanadka cusub oo sababay dhimasho...

Qarax lala beegsaday dad u dabaal degayay sanadka cusub oo sababay dhimasho iyo dhaawac

CRANS-MONTANA (DAYNIILE.COM) Qarax ka dhacay Dalka Switzerland ayaa la soo shegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii la weeraray goob ay shacabku ugu dabaal dagayeen dhalashada sanadka cusub ee 2026.

Wararku waxay tilmaamayaan in qaraxa oo si gaar ah uga dhacay baar ku yaal goob loo dalxiis tago ee magaalada Crans-Montana ee dalka Switzerland uu sababay dhimashada 7 ruux iyo tira kale oo dhaawacyo ah.

Magaalo dalxiiska loo tago Crans-Montana ee qaraxu ka dhacay aad ugu dhaw dahay caasimadda Switzerland ee Bern, dab ayaa ka kacay halka qaraxu ka dhacay,waxaana durba gaaray kooxaha gurmadka degdeg ah ee dalkaasi.

Sanadka marka dadaal degyadu dhacaan waxaa jira kooxo hubeysan oo weeraradooda ku soo aadaya taasoo sababta badanaa dalalka dunida ee dabaal degyadu ka dhacaan inay amniga xooga saraaan si ay uga hortagaan weerarada nuucaan ah ee dhimashada iyo dhaawacaba keena.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

2 COMMENTS

  1. SALAAN KADIB QOFKA WAXAAN SOO QORAY WAA BEENLO OO DIIN IYO DANIMO LAHEEN-

    WAX QARAX DHACAY MA JIRTO WAA BEENTIISA ANAGAA DEGGEN WAA BAARUUD OO

    SANADKA CUSUB LOO DABAAL DAGAAYAY DARTIISA AYAA BAARUUD DAB KA KACAY AYAA-

    DAD KU DHMAADAY; WAA INTAASI:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -