Qarax lala beegsaday injneeradi dhisaaye wadada Isku xirta Muqdihsu iyo Afgooye

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow lala eegtay Injineerada dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala beegsaday gaari HILUX ah oo ay wateen Injineeradaasi oo u dhashay dalka Turkiga, xilli ay marayeen agagaarka Jaamacadda Shabelle.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo u badan dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah Injineerada iyo askar ilaalo u aheyd.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaliya oo la xariira qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa horay uga digtay dhismaha jidkan, inkastoo markii dambe la sheegay in Qatar ay siiyey lacag, si loo wado dhismaha waddadaas oo muhiim u ah dadweynaha.

Lama oga in qaraxan uu la xariiro digniintaasi iyo in kale, balse Al-Shabaab ayaa horay Muqdisho uga joojisay dhismayaal kala duwan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064