Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta barqadii kolonyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM qarax lagula eegtay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxaan ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah,isla markaana kolonyada AMISOM lagula eegtay inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo burde iyo Jalalaqsi,kolonyadaas oo kusii jeeday degmada Buulo Burde.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaarxaas, iyaga oo sheegay in qaraxa qabsaday mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Jabuuti,isla markaana ay ku dhinteen 5 Askari.

Si kastaba weli Saraakiisha Ciidamada Jabuuti eek u sugan Gobolka Hiiraan iyo maamulka gobolkaas kama hadlin qaraxa Ciidamada Jabuuti kolonyo ay la socdeen lagula eegtay inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo burde iyo Jalalaqsi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064