DIINSOOR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Diinsoor ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu halkaasi xalay ka dhacay qarax weyn oo xaafadaha inta badan laga maqlay.
Qaraxaan ayaa la soo sheegayaa in lala eegtay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koofur-Galbeed markii gaarigiisa Cabdi-bilaha qaraxa uu haleelay.
Gaari Cabdi-bilaha marka qarxayo ma socon sida wararku tilmaamayaan balse wuxuuna iska dhex yaalay guriga Taliyaha uu ka degan yahay Magaalada Diinsoor lamana yaqaan la doonayay in lagu sii diyaariyo iyo inkale.
Inkastoo gaariga aysan cidina saarneyn islamarkaana uu guriga dhex yaalay hadana lama oga ilaa iminka khasaaraha ka dhashay qaraxaasi,waxaase lagu wadaa inay faafahin ka bixiyaan masuuliyiinta Magaalada Diinsoor .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
