HomeWarkiiQarax masaajid kale ka dhacay Dalka Suuriya

Qarax masaajid kale ka dhacay Dalka Suuriya

HOMS (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Suuriya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay masaajid ku yaal Dalkaasi kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Tirada Dhimashada waxaa lagu sheegay 3 ruux halka dhaawucuna yahay 5 sida ay shaacisay  Wakaaladda Wararka ee Suuriya (SANA),Masjidka qaraxu ka dhacay waxaa lagu sheegay inuu yahay Masaajidka Imaam Cali bin Abi Daalib, oo ku yaalla xaafadda Wadi al-Dahab ee magaalada Homs.

Qaraxan ayaa u muuqday mid ka dhacay cidhifka hoolka weyn ee masjidka, waxaana darbiga ka soo baxay god yar oo darbi ah, waxaana gubtay hareeraha, iyadoo roogaggii salaadda lagu tukaday ay go’een oo ay daadsan yihiin qashin, kutub iyo jajabyo kala daadsan dhulka.

Saraakiisha deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in laga yaabo in qaraxa uu ka dhashay qof is qarxiyay ama walxaha qarxa oo halkaas la dhigay.

Ayman Oghanna, weriyaha Al Jazeera ee Xalab, ayaa xusay in Homs ay ku nool yihiin dadyow kala duwan oo Calawiyiin ah, Masiixiyiin iyo Muslimiin Sunni ah. Waxa uu sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday masjidka Calawiyiinta, isaga oo ka digay in uu “hurin karo xiisadaha diimeed” ee dalka oo dhan.

Shalay ayay ahayd markii warbaahintu tabiyeen in qarax ka dhacay Masaajid ku yaal Dalka Nigeria xili lagu jirey salaad Maqrib kaasoo isna sababay dhimasho iyo dhaawac, lama yaqaan sababta masaajidka oo ah goob Cibaado loo beehsanayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -