Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay Degmada Yaqshiid gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Towfiiqi, waxaana qaraxan lala eegtay gaari halkaasi marayay.

Warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa oo  ahaa miino  nuuca soo boodada ah ee la dhigo hareeraha wadooyinka lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiyaha degmada Yaqshiid Muusey Geesey oo halkaas marayay.

Qaraxan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaalada Gudoomiyaha degmada Yaqshiid , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan imaanayaa xili shalay qarax miino lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii amniga ee Deegaanka Garasbaaley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here