JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe iyo Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasj aarax uu ka dhacay.
Qaraxa ayaa lagula eegtay kolonyo gaadiid galbineysay Madaxweynaha Maamulka Hirshelle Cali Guud-laawe iyo wafdi uu hogaaminayay.
Qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu u haleelay gaari ay saarnaayeen nin la dhashay Madaxweynaha Hirshabelle Cali guud-laawe iyo waliba agaasimaha Warfaafinta Maamulka Maxamed Shuuriye Barakaat,waxaana soo gaaray dhaawacyo sahlan.
Marka qaraxa uu dhacayay waxay wafdigu marayeen meed u dhaw garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar,wuxuuna sababay dhaawacyo sahlan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM
