BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in qarax miino Saaka lala eegtay mid ka mid ah gaadiidka miina baarka u qaabilsan ciidamada maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Qaraxaan oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa Boosaaso iyo Dhabaay,waxaana ku dhintay sida aan xogta ku helnay Taliyihii Saadka Ururka Dayax ee ciidamada puntland iyo askari,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 5 kale oo ciidamada ka mid ahaa.
Guud ahaan sedexda Askari ee dhimatay waxaa kala yihiin Jaamac Maxamed Caduur oo ah Taliyaha saadka ,Miina baaraha iyo darawalka gaariga miin baarka ah.
Masuuliyiinta Puntladn wali kama hadlin qaraxa iyo cida ka danbeysa inkastoo Daacish la tuhmayo hadana baaris ayaa socotaa si loo xaqiijiyo cida ka danbeysa qaraxaasi dhimashada iyo dhaawaca sababay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




