HomeWarkiiQarax weyn oo ay ku dhinteen ciidamo Dowlada Somalia ka tirsanaa

Qarax weyn oo ay ku dhinteen ciidamo Dowlada Somalia ka tirsanaa

Qarax sababay dhimashada ilaa 16 askari oo ka tirsanaa Dowlada Somalia ayaa ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan inta udhexeysa Owdheegle iyo Mubaarak kadib markii gaari ciidamada qaada ah ay miino la kacday.
Qaraxaan oo ahaa mid weyn waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 23 askari kuwaasoo goobaha caafimaad loo kala qaaday, saraakiisha ciidamada Xooga ee Gobolka Shabeelaha hoose wali kama aysan hadlin qaraxaani xooggan ee lagu laayay ciidamada Dowlada Somalia.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in sababta dhimashada kordhisay ay tahay qalad ay sameeyeen hogaanka ciidamada markii ay hal gaari isla saareen ku dhawaad 50 askari xili dhulkuna yahay mid aaga miino ah oo Alshabaabku ka howlgalaan.
Qaraxaan wuxuu ku soo aadayaa xili maalmihii sanadahaan danbe qaraxyada laga nastay oo ay noqdeen kuwo aad u yar walibana inta yar ay ku sii badan yihiin Gobolada Dalka,lamana oga in tani ay feejignaan dheeraad ah gelin doonto ciidamada Dowlada ee gaadiidka sida xad dhaafka ah iskula raacaya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -