Muqdisho(dayniiile.com)-Jugata qarax weyn ayaa goor dhaw oo caawa  laga maqlay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho inkastoo laamaha amnigu wali ka bixin wax faahfaahin ah.

Qaraxa waxa uu dhacay caawa 12-ka saq dhexe iyo daqiiqado la jiray wuxuuna ka dhacay Degmada Yaaqshiid.

Advertisement

Warar aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa caawa la maqlay uu ahaa miino lagu xiray goob ganacsi gaar ahaana Farmashi  mana jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay inta la ogyahay.

Wararka horu dhaca ah  ayaa sheegaya in qaraxa goobtaasi ganacsi loola eegtay kadib markii maanta lagu xirey kaamirada CCTF oo Dowladu Amartya halka Alshbaaabna diideen laakiin wararkaani nooma hubna hadaa nahay bahda dayniiile.com.

Burbur bur xooggan ayaa la sheegay inuu soo gaaray Farmashiyaha,dhaq dhaqaaqa dadkuna maba jirin madaama xiligu ahaa mid dadku hurdeen xaafadahooda inkastoo gaadiid iyo mota bajaaj ay xili kasta socdaan.

Wixii faahfaahin intaas dheer wararkeena xiga ayaad ka heli doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO VIDEO: Saciid Dani iyo Isimada Puntland oo Caawa kulan ku qaatay madaxtooyada Garowe
Next articleXamaas iyo Isra’iil oo ku heshiiyay xabad-joojin iyo maxaabiis kala badalasho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here