MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhaw oo caawa ah ka dhacay degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Nawaaxiga isgoyska SOS ayuu qaraxa ka dhacay  waxaana la sheegay inuu ahaa miino nuuca dhulka lagu aasay

Advertisement

Qaraxaan ayaa la soo sheegayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliis Milataariya balse qasaaraha ugu badan wuxuu gaaray dad shacaba oo saarnaa gaari Bl ah sida wararka qaar sheegayaan.

Sidoo kale ciidamada laftooda qaraxa khasaare nafeed ayaa ka soo gaaray,waxaana shacabka iyo ciidankaba la qiyaasay ilaa 5 meyd ah iyo dhaawac ka badan.

Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxaani.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleFarmaajo oo u hiiliyay Shariif Sh. Axmed
Next articleHay’adda Duulista Rayidka oo u hanjabtay Maamulka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here