XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Sida uu cadeeyay Taliye ku xigeenka Booliiska Degmada Xawaadlee ee Gobolka Shabeelaha dhexe qarax miino ayaa xalay ka dhacaya Degmadaani kaasoo lala eegtay sarkaal sare oo Dowlada ka tirsan.
Taliye ku xigeenka wuxuu cadeeyay in qaraxa loo dhigay Korneel Hiran Maxamud Sheikh Farole balse uu ka bad-baaday inkasoo uu ku dhintay ruux kale halka 4 askarina ku dhaawacmeen.
Qaraxa kadib Taliye ku xigeenka wuxuu sheegay inay howlgalo sameeyeen oo dadna loo qabtay inkastoo uu ka gaabsaday tirada dadla loo qabtay.
Dadka dhaawacyada qaba ayuu xusey inay xalay u waayeen diyaarad lagu qaado markii ay gaareen xerada ciidamada ATMIS oo aan wax diyaarad ah oolin,sarkaalkaani wuxuu sidoo kale saxaafada u sheegay in jawiga guud ee magaalada ay degan tahay amniga uu ok yahay.
“qaraxyada iyo weerarada aduunka oo dhan bay ka dhacaan,kooxda alshabaabna sidaas oo kale ayay mar kasta isku dayaan inay qalqal amni abuuraan, marna meel kaas oo weeraraan,dadka argagax geliyaan laakiin guud ahaan amaanka degamada waa ok”ayuu yiri Taliye ku xigeenka oo la hadlaayay idaacada
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIIILE.COMÂ
